Xafladan oo ay kasoo qayb galeen Odoyaash dhaqanka Gobolka Hiiraan,Aqoon yahano siyaasiyiin iyo Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan,ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Leybreriga ee Magaalada B/weyne.
Munaasabadan ayaa waxaa ay ahayd mid ay INGO lagu magacaabo Geello kusoo bandhigayeen gaari Ambals ah oo ay ugu talo galeen in loogu shaqeeyo dadka shacabka ah ee ku waxyeelooba shilalka ka dhasho gaadiidka iyo haweenka dhalaya oo u baahan in si deg deg ah lagu gaarsiiyo Isbitaalada Magaalada B/weyne si Emerchensi ah.

Xafladan ayaa waxaa ugu horeen ka hadlay sargaal ka tirsan INGO oo lagu magacaabo Max’ed Sugaal Xassan Wariiri,isagoo ka warbixiyay waxa ay ugu talo galeen garigan Ambalska ah,waxaana uu sheegay in u jeedada gaarigan ay tahay in loogu shaqeeyo si folonter ah dadka shacabka ah,maadaamaa inta badan wadooyinka dhexmara Gobolka Hiiraan ay ka dhacaan shilal ka duwan oo dhinca gaadiidka ah,isagoo intaasi ku daray in u jeedka gaarigan Ambalsaka ay tahay midaasi.

Gudoomiye ku xigeenka golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay hogaanka sare ee dowladda KMG in baarlamaanka la soo marsiiyo hey’adaha bixiya deeqaha loogu tala galay Soomaaliya.

Sidoo kale Prof. Dalxa ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay si toos ah uga war qabaan howsha ay qabtaan iyo inta ay la egtahay deeqaha ay bixiyaan hey’adahaasi.

Riix oo Halkaan ka akhri…

Posted by: somalinimo | February 28, 2010

Shariif Sheikh Axmed: Sanad kadib ma Madaxwayne mise Maxbuus?!

Cabdulaahi Haduu Ethiobiyaan Keenay, Sheikh Shariif Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Somaliyeed”
Sheikh, Macalin, Gudoomiye iyo Madaxwayne waa magacyadda Sheikh Shariif Sheikh Ahmed xilliyo kala duwan loogu yeeri jiray balse hadda darajada ama magaca uu Shariif huwanyahay waa Madaxwayne.
Sanadkii 2003 ayay aheyd markii uu magaciisa soo ifbaxay kadib markii la afduubtay wiil ka mid ah ardaydii uu macalinka u ahaa dekaanka CC ee magaaladda Mogadishu. waxaa xigtay sanadkii 2004 kadib markii loo doortay Godoomiyaha Midowga Maxaakimta Islaamiga.
Sanadkii 2006 ayuu markii uu Sheikh Shariif noqday Hogaamiye Somalida iyo Caalamkaba ka soo muuqday magaciisana uu meel kasta gaaray gaar ahaan Lix bilood oo aysan dadka Koonfurta iyo bartamaha Somalia daga aysan hilmaami doonin, inkastoo aniga shaqsiyan aanan nabadaas arag.
Sheikh Shariif Miskiin Masbuux u ahaa Dowlada Kenya.
Kadib markii firxadkii Midowga Maxaakimta ay Jihada Jubooyinka Somalia ay u soo Qaxeen kadibna Ciidanka Cirka ee US ay Duyuurado ku duqeeyeen ayay Sheikh Sharif iyo qaar ka mid ah Maxaakimtii Islaamiga ay u soo carareen xuduudka dalka Kenya
police-ka dalka Kenya ayaa January 17, 2007 qabtay Shariif Sheikh Ahmed balse ugu danbeentii Hotel 5star ah la dajiyay kadib markii arrinta ay soo fara galisay Safaarada Dowladda US ee magaaladda Nairobi ugu danbeeyntiina Shariif iyo Safiirka Dowladda US ee dalka Kenya Micheal Ranaberger ay kulmeen wixii laga wada hadlayne iyo heshiiska ay gaareena dan Somaliyeen dabcan kuma jirin sida ay arrintu u badantahay. Xilligaas waxaan ku sugnaa Magaaladda Nairobi.
Sheikh Shariif: Jilaa riwaayad Mucaaradnimo!
Kadib markii uu mudo maxbuus ku ahaa dowladda Amerikana ay heshiis hoose ay dabcan la gashay Shariifka ayuu socdaal u aaday dalalka, Yamen, Qatar, Masar iyo dalka Eritrea oo ugu danbeentii xarun uu ka dhigtay balse uu ku caasiyay isagoo ku tilmaamay in aysan dan Somali ah ka shaqeeneen… ugu danbeentiina hadalo badan oo uu reer galbeed iyo warbaahinta uu u shegay shariifka keentay in dalka Eritrea cunaqabateen adag ayaa lagu soo rogay.
Sheikh Shariif inta uusan Noqon Qaxooti iyo Mucaarad jahwareersan waxa uu aha Hogaamiye Somalida iyo Ajinabigaba ay jecelyihiin, xilligii uu Midowga Maxaakimta Madaxda ka ahaa waxa uu ahaa Mas’uul ay dadka jecelyihiin hadalkiisa iyo daacadnimada ka muuqata.
Sheikh shariif waxa uu ku caasiyay dalk Eritrea uu Xarunta ka dhigtay xilligii uu tiiha Mucaaradnimada ku wada jireen saaxiibo badan oo ay ka midyihiin, kuwo dhintay (C/aahi Waayel. Cumar Hashi, Ambassoder Faarah Laqanyo iyo Dr. Qamar), kuwo dhaawac ah (Suleeban Colaa Rooble), kuwo Mucaaraad ku ah ( Sida Hassan Dahir Aweys, Zakaria Haji) iyo kuwo ay dowladda aan taagta bad laheen ay ku wada jiraan(Prof. Ibbi, Shariif Hassan iyo kuwo kalle).
Aniga waxaan aaminsahay Shariif in uusan Mucaaradnimada wax badan ka aqoon sababtoo ah waxa uu la midyahay Zawani oo dalka Somalia marti u ahaa xilligii uu dowladda dalkiisa ka jirtay uu mucaaradka ku ahaa kadibna isku dayay in uu gumeesto, Shariifka waxa uu sabab u aha in cunaqabaten awalba sii qorsheesneed balse sababtiisa iyo hadalo badan oo uu sheegay kadib Eritrean maanta cunaqabateen adag la saaray marka midaas aya tusaale kuugu filan in uusan mucaaradnimada waxba ka aqaan Kenya iyo Ethiopia oo dhul Somaliyeed heesta dulmina ku haya Somalia uu ka dhigtay saaxiibkiisa koowaad, Kenya waxa ay ku xirtay xuduudka dalkeeyga halka Ethiopia ay gumaaday shacabka uu maanta u yahay Madaxwayne.
Sheikh Shariif oo Madaxwayne noqday!
January 31, 2009 sanad ka hor waxa ay aheyd markii Sheikh Shariif loo doortay in uu noqdo Madaxwaynaha badalaya Madaxwayanah xilka isaga tagay ee Abdulaahi Yusuf Ahmed. Sheikh Shariif waxa lagu soo doortay dalka dibadiisa inkastoo dalka Djibouti oo yahay dhul Somaliyeed oo uu gumeestaha dowlad u aqoonsaday balse waa dal nabad ku naaloonaya.
In uu Sheikh Shariif noqdo Madaxwayne dad badi oo aan ka mid ahay waxay la aheyd in dhiibatada ay dhamaan doonto Somalida ay dowlad fiican heli doonaan Ciidanka Ethiopia-na ay dalka isaga bixi doonaan, balse ciidanka Ethiopia meesha way isaga baxeen dalkana sidii hore wuu ka sii daray oo dadki waxa ay marayaan heer ay yiraahdaan Ethiopia ayaa noo rooneed.. Bulshadana waa la gaarsiyay in ay Ethiopian-ka jeclaadaan.
Sheikh Shariif ma ahan shaqsi xambaari kara mas’uuliyada Madaxwaynimo sababtoo ah wax badan siyaasada kama yaqaan, waxa uu ahaa shaqsi ku soo caan baxay kacdoon shacab taasina micnaheeda mahan in uu yahay shaqsi u diyaarsanaa howl sidan oo kalle ah in ay ku soo baxayaan. Madaxwayne Shariif dowladda uu madaxda ka yahay waxa ay ka talisaa dhowr KM.
Shariif ma Madaxwayne mise Maxbuus.?
Madaxwayne Shariif tan iyo xilligii ay ciidanka dalka Kenya gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo hadda waa maxbuuux sabab?. Xilligii uu mucaaradka ahaa uuna joogay dalka Eritrea waxa uu aha Maxbuuc balse fursad iyo hadal been ah ayuu kaga soo baxsaday sida uu ka sheegay shir uu la yeeshay Jaaliyada Somaliyeed ee Dalka Mareekanka xilligii uu socdaalka ku marayay dalka US.
Maxbuus Kenyan, US, Eritrea, AMINSOM, Zanawi, African Union, EU iyo shaqsiyaad kalle oo aan ku faahfaahin doono qoraaladeyda kalle balse ugu danbeyn waxa uu ka xoroobay maxbuusnimada Kenya iyo Eritrea sida la aaminsayahay.
Madaxwayne Shariif marka uu garoonka Adan Cadde International Airport ka soo dago, marka u Madaxtooyada u socdana waxa lagu qaadaa Taangi ay ciidamada AMINSON leeyihiin, marka uu shir jaraa’id qabanayo, marka uu qudbad aqrinayo, marka uu Salaada tukanayo ama Dujinayo oo uu Imaanka yahay, marka uu Jiifo iyo xaalad walba oo nolashiisa ah inta uu Somalia joogo AMINSOM ayaa hareeraha ka taagan sida in ay Somalida ka xigaan waxa laga waardiyeenaya waa Madaxwayne… Ilaahan isku dhaarshee ma aqbali laheed haddii aad Madaxwayne tahay in aad sidan ahaato. Soo mahan Maxbuun is mooda Madaxwayne mise aniga ayay ila tahay.
Sanad kadib iyo Madaxwayne Sheikh Shariif.
Tan iyo markii sanad kahor madaxwayne loo doortay Sheikh Shariif Somalia waxa soo gaaray khasaaro kalle oo dheraad ah sababtoo ah Madaxwaynihii ka horeeyay ee Abdulaahi Yusuf xilliga uu Madaxwaynaha ahaa waxa dalka Joogay Ciidan Ethiopian ah oo khasaaro geestay.
Madaxwayne shariif intuu uu madaxwayaha ahaa waxa umadda Somaliyeed ka baxay dad Muhiim u ahaa bulshada kuna dhintay Magaca Dowladda uu Madaxwaynaha ka yahay sida Cumar Xaashi, prof. Abdulaahi Ahmed Adow, Abdulaahi Wayeel iyo Dr Qamar Adan oo dhamaantood ahaa dad muhiim u aha bulshada Somaliyeed… sidoo kalle Dhaqaatiir, arday iyo dad kalle oo muhiima haa taasina waxay ay cadeen u tahay in amaanka wax badan uusan ka qaban dowladda uu madaxda ka yahayne ay tahay dowlad daciif ah.inkastoo Qadarkoodii uu dhamaaday dadkan haddana runtii mar walba waxa kaa saaran mash’uuliyad dadka aad mas’uulka ka tahay.
Madaxwayne Shariif sanadkan iyo inta xilkiisa ka harsan waxaa looga fadhiyaa wax qabad, sababtoo ah waqtigiisa sanadkii hore waxa uu ku dhameestay safar iyo shirar aanan Somalida micno badan ugu fadhisan isagoo haaatan ku maqan shir ooga socda Midwoga Africa magaaladda Adis Aba ee caasimada dalka Ethiopia.
Gunaanad.
Somalia dhibaato 20 sano jirsatay ayaa ka jirta, dowlad kastana waxaa lagu soo dhoodhoobaa dalka dibadiisa, shacabka Somaliyeedna dhibaato waxa ugu filan intii ay 20kii sano ee ugu danbeeyay ay jiraan xilligana waxaa la jooga xilligii dalka dib loo dhisi lahaa, dowlad waarta loo heli lahaa isla markaana qof walba uu mas’uul ooga noqon laha sida nabad lagu heli karo.
Madaxwayne shariif iyo dowladda uu madaxda ka yahay waa in ay la yiraamadan qorshe cad, in ay ka yareeyaan safarada micna darada ah, hadalkada iyo hanjabaada ay ku hayaan mucaaradka shacabkana ay ku waxyeelooyabaan.
Madaxwayne shariif waa Madaxwayne Somaliyeed balse la mid ah madaxwaynaashii Somalia soo maray bur-burkii kadib mana ila ahan in uu qaban karo ka badan inta uu hadda qabtay oo la micna ah in uusan waxba qaban Karin.
Shariif Sheikh Axmed sanad kadib ma Madaxwayne mise Maxbuus?!, haddaba jawaabta su’aashan waxa laga rabaa dadwayanah Somaliyeed.
Mahadsanidiin

Posted by: somalinimo | September 28, 2009

Posted by: somalinimo | April 30, 2009

Aaway Somalinimo? Aaway islanimo ?

Somali ProtestMårtensson på Mogadishu International Airport

Aaway Somalinimo? Aaway islanimo ?

SHALAY IYO MAANTAY ALAHAYOOW DALKA NABAD NOOGA DHIGA.

Aaway Somalinimo? Aaway islanimo ?

Aaway Somalinimo Aaway wadani nimo? shalay iyo maantay ma isku midaa?

Aaway Somalinimo Aaway wadanimo? shalay iyo maantay ma isku midaa?
   

Posted by: somalinimo | April 30, 2009

Aaway Samalinimadi?

 

Posted by: somalinimo | April 30, 2009

Somalinimo waa sidaan

Line Up (Ghana): Sammy Adjei, Aziz Ansah/Lawrence Adjei, Addoquaye Pappoe, John Mensah, Samuel Osei-Kuffour, Michael Essien, Bernard Don Bortey, Hamza Mohamed, Nana Arhin-Duah/ Asamoah Gyan, Isaac Boakye, Stephen Appiah/ Yakubu Abubakari

Somalia: Abdulkadir Shek Osma, Yussif Ali Egal, Mohamed Abdulai Muhudin, Hussein Meigag Mohamed /Abdifitah Mohamed Said, Abdulusis Salad Awale, Musdaf Hassan Omar, Osman Omar Wakil, Isse Aden Abghir, Yussif Ali Nir, Mohamed Abdulai Shek/ Abdulwahid Abdi Farah, Abdul Kadir Omar Ibrahim

Soomaali jabiyay Rikoorkii orodka 5000 ee dalka sweden iyo waqooyiga yurub

Posted by: somalinimo | April 29, 2009

Aaway somalinimo waxa aan uga hadli doona xalada dalkeena

Away somalinimo away wadaninimo alahayoow dalka nabad nooga dhig.   qaranimo,wadaninimo iyo wadan jaceel.

waxa aa nogu soo hagaajin kartaan waxii aqbaar ah .
E-mail:cabdiqaadirqm20@yahoo.com

Categories