Posted by: somalinimo | April 30, 2010

Xafladan oo ay kasoo qayb galeen Odoyaash dhaqanka Gobolka Hiiraan,Aqoon yahano siyaasiyiin iyo Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan,ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Leybreriga ee Magaalada B/weyne.


Xafladan oo ay kasoo qayb galeen Odoyaash dhaqanka Gobolka Hiiraan,Aqoon yahano siyaasiyiin iyo Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan,ayaa waxaa ay ka dhacday Xarunta Leybreriga ee Magaalada B/weyne.
Munaasabadan ayaa waxaa ay ahayd mid ay INGO lagu magacaabo Geello kusoo bandhigayeen gaari Ambals ah oo ay ugu talo galeen in loogu shaqeeyo dadka shacabka ah ee ku waxyeelooba shilalka ka dhasho gaadiidka iyo haweenka dhalaya oo u baahan in si deg deg ah lagu gaarsiiyo Isbitaalada Magaalada B/weyne si Emerchensi ah.

Xafladan ayaa waxaa ugu horeen ka hadlay sargaal ka tirsan INGO oo lagu magacaabo Max’ed Sugaal Xassan Wariiri,isagoo ka warbixiyay waxa ay ugu talo galeen garigan Ambalska ah,waxaana uu sheegay in u jeedada gaarigan ay tahay in loogu shaqeeyo si folonter ah dadka shacabka ah,maadaamaa inta badan wadooyinka dhexmara Gobolka Hiiraan ay ka dhacaan shilal ka duwan oo dhinca gaadiidka ah,isagoo intaasi ku daray in u jeedka gaarigan Ambalsaka ay tahay midaasi.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munasabadan Sh,Ibraahin Yuusuf oo kamid ah saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu sheegay in maadaamaa uusan dalka aysan ka jirin Dowlad wax u qabata dadka soomaaliyeen sidaasi daraadeedna somalida dhexdeeda looga baahan yahay in ay gacmaha is qabasdaan, Maamul ahaan aysoo dhaweynayaan talaabadan ay ku dhaqaaqeen INGO Geello,islamarkaasina uu Maamulka ka qayb qaadan doono waxa ay dhankooda ugu soo baahdaan ayna mudan tahay ku dayasho isagoo ku bogaadiyay Mas’uuliyiinta INGO Geello in aysan arintan ka caajisin oo ay dadkioda u shaqeeyaan.

Waa markii ugu horaysay oo la’shaaciyo gaari Ambals ah oo dadka reer Hiiraan si folonter ah ugu shaqeynaya lasoo bandhigo,waxaana ay talaabadan timid xili si’aad ah loogu baahnaa sida muuqata maadaamaa mudooyinkii ugu danbeeyay wadooyinka Gobolka Hiiraan ay kusoo badanayeen shilalka ka dhasho gaadiidka,iyadoo gaarigan Ambalska ah ay siweyn ugu faa’idaysan doonaan dadka soomaaliyeen gaar ahaan kuwa danyarta ah.

Somalinimo Media Networdk


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Categories

%d bloggers like this: